Home Dhageysi Dhageyso:- Shil Garai Oo Ka Dhacay Saddex-Higlo

Dhageyso:- Shil Garai Oo Ka Dhacay Saddex-Higlo

175

Saaka 8-dii Subaxnimo Gaari Nuuca Xamuulka Ah Gaar Ahaana Nuuca Soomaalidu U Taqaano Waaraadka Ayaa Ku Rogmaday Gudaha Deegaanka Saddex-Higlo Ee Gobolka Mudug.

Shilka Si Gaar Ah Waxa Uuga Dhacay Afaafa Hore Ee Magaalada Looga Baxo Dhinaca Waqooyi Waxa Uuna Gaariga Shilka Galay Kusii Jeeday Magaalada Gaalkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug.

Mas’uuliyiin Ka Tirsan Mamulka Saddex-Higlo Oo  La Hadlay Idaacadda Codka Gobollada Dhexe Ayaa Sheegay In Sababta Keentay Shilka Gaarigan Ay Tahay Ka Dib Markii Uu Go’ay Isteerinka Gaariga.

Khaliif Warsame Guddoomiyaha Deegaanka Saddex-Higlo Ee Gobolka Mudug Ayaa Codka Gobollada Dhexe U Sheegay In Uu Fudud Yahay Khasaaraha Ka Dhashay Shilkaasi Waxa Uuna Intaa Ku Daray In aanay Jirin Dad Ku Geeriyooday Shilkaasi.

Guddoomiye Khaliif Waxa Uu Xusay In Ay Ku Dhaawacmeen Sideed Ruux Oo Ka Mid Ahaa Dadkii Gaariga Saarnaa Kuwaas Oo Dhammaantood Loo Qaaday Dhinaca Magaalada Gaalkacyo Ee Gobolka Mudug Waxa Uuna Intaa Ku Daray In Inta Badan Dhaawacyadu Ay Fudud Yihiin.

Waxa Uu Tilmaamay In Gaariga Ay Saarnaayeen Culimo Iyo Ardey Kuwaas Oo Ka Yimid Siyaar Sida Uu Sheegay Guddoomiyaha Deegaanka Saddex-Higlo Khaliif Warsame.

Deegaanka Uu Shilkaan Gaari Ka Dhacay Ee Saddex-Higlo Ayaa Dhinaca Koonfureed 50KM Kaga Beegan Magaalada Gaalkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug Mana Ahan Markii Ugu Horreysay Oo Shil Gaari Ka Dhaco Waxana Dhawr Maroo Hore Sidan Oo Kale Ugu Rogmaday Gawaari Usticmaaleysay Waddadaasi.

 

Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Saddex-Higlo:-