Home Dhageysi Dhageyso:-Shacabka Gaalkacyo Oo Siyaabo kala duwan Uga Hadlay Dagaalka tukaraq

Dhageyso:-Shacabka Gaalkacyo Oo Siyaabo kala duwan Uga Hadlay Dagaalka tukaraq

303

Xilli Ay Weli Taagan tahay Xiisadda Colaadeed Oo U Dhaxeysa Maamullada Soomaaliland Iyo Puntland Oo Ay Kuwada Dagaallamayaan Qaybo ka Mid Ah Gobolka Sool Gaar Ahaana Aagga Deegaanka Tukaraq Ayaa Arrinkaa Waxaa Ka Hadlay Qaar ka Mid Ah shacabka Ku Dhaqan Magaalada gaalkacyo.

Shacabku Wey Ku Kala aragti Duwan Yihiin Xiisadda Dagaal Ee Ka Taagan Tukaraq Iyagoona Shacabka Qaar Ay Sheegayaan In Ay Aad Uga Xun Yihiin dagaalka Ka Socda Aagga deegaanka Tukaraq.

Balse Waxaa Jira Shacabka Qaar Qaba In Puntland Ku Saxan tahay Dagaalka Ay Kula Jirto Dhiggooda Soomaaliland isla-markaana Ay Ku Difaaceyso Dhulkeeda.

Weli Aagga Deegaanka Tukaraq waxaa Ka Taagan Xiisad dagaal Oo U Dhaxeysa Maamullada Soomaaliland Iyo Puntland Iyadoona Mar Walba la filan Karo Dagaal ka qarxa Deegaankaasi Maadaama Ay Ciidamadu Weli halkaasi Isku Hor fadhiyaan.

Hoos Ka Dhageyso Warbixinta C/kheyr Maxamed jaamac Wariyaha Codka Gobollada dhexe Ee Gaalkacyo:-