Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Xalay kormeer uu ugu kuur gelayay xaaladda amni ee caasimadda kusoo maray qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Benaadir.
Mudane Xasan Cali Kheyre oo ay kormeerkiisa ku weheliyeen Wasiirka Amniga, Taliyaha iyo Taliye ku xigeenka Nabad-sugidda iyo saraakiil kale ayaa ciidamadda xasilinta waxay la qaateen wakhti iyagoo kula dardaarmay inay laban-laabaan shaqada ay qaranka u hayaan.
Wasiirka Amniga Qaranka Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo ka warbixiyay kormeerka shaqo ee R/Wasaaraha Soomaaliya uu ku sameeyay Magaalada ayaa sheegay in uu ahaa mud loogu koor-galayay Amniga Magaalada Muqdisho