Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka ee qeyta 27.aad General Tawane Axmed Gurey ayaa faah faahin ka bixiyay dagaallo Ciidamada xoogga dalka iyo ururka AS ku dhexmaray degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan.
Wuxuu sheegay degaano dhowr ah oo ka tirsan Hiiraan in AS ay ka saareen, isaga oo tilmaamay degaanadaas in ay u dhaxeeyaan Maxaas iyo halgan.
Sidoo kale wuxuu sheegay ururka AS in ay dhibaato ku hayaan shacabka ku sugan goobaha ay maamulaan oo ay ka qaadaan lacago shacabka aysan raali ka aheyn, sida uu sheegay Taliyaha.
General Tawane ayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku sugan Hiiraan ugu baaqay inay garab siiyaan Ciidamada xoogga dalka ee dagaalka kula ururka AS.

