Wednesday, January 22, 2025
HomeDhageysiDHAGEYSO:- Sanbaloolshe Oo Soo Jeddiyey Talooyin ku aadan Ammaanka Muqdisho.

DHAGEYSO:- Sanbaloolshe Oo Soo Jeddiyey Talooyin ku aadan Ammaanka Muqdisho.

Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad suggida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe ayaa soo jeediyay in wax ka badal lagu sameeyo Ammaanka Magaalada Muqdisho.

Sanbaloolshe waxaa uu sheegay in Magaalada Muqdisho wixii ka dambeeyay dowladdii dhexe ay sameysay Kobac ballaaran, islamarkaana ay dhinacyo badan u fiday ayna adag tahay in la adkeeyo Ammaanka magaaladda.

Waxaa uu soo jeediyaey in la sameeyo talo ah kordhinta Koontaroolada gaadiidka lagu baaro, iyadoo ciidamada la siinaayo qalab badan oo amniga ay ku sugaan.

Wuxuu sheegay Sanbaloolshe in ay qeyb weyn ka qaadan karto ammaanka dhiiragelinta iyo abaalmarinta la siiyo ciidamada qabta shaqooyinka adag inay door ka qaadanayso qorshaha suggida ammaanka Magaalada Muqdisho.

Sanbaloolshe oo la hadlay VOA, ayaa sheegay magaalada Muqdisho in ay ballaaratay oo ay kobacday, sidaasi awgeedna ay muhiim tahay sameynta qorshe xal u noqon kara amniga Magaalada ,loo dajiyo, maadaama Shabaab xilli kasta isku dayaan fulinta falal ka dhan ah ammaanka magaalada caasimada ah ee mqdisho.

Hadalka sanbaloolshe ayaa ku soo aadaya xilli dawladda soomaaliya ay diyaarisay ciidamo gaara oo sugga ammaanka magaalada inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Halkaan, ka dhageyso:

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe