Sida ay Sheegeen Kooxda Saadaasha Roobab Daadad iyo Dabeylo Wata ayaa Kusoowajahan Magaalada Cadaado iyo Deegaanada Hoostaga.
Gudoomiyaha Degmada Cadaado C/llahi C/raxmaan Xuseen Tootoole Oo Lahadlay Idaacada Codka Gobolada Dhexe ayaa Waxa uu Sheegay in Hay,adaha u Qaabilsan Dawlada Soomaaliya arintaan ay Kusoo wargaliyeen in 24-saac Ee Soosocota ay Roobabkaan kusoo wajahan yihiin Cacadaado iyo Deegaanada Kuxeeran.
Waxa uu uga Digey Gudoomiyaha Dadka in ay Kadheeraadaan Goobaha Biyo Mareenada ah iyo Guryaha Dhismahoodu uusan Fiicnayn.
Halkaan Ka Dhageyso