Dhageyso:-Reysal Wasaare Kheyre Dadka Warxuma Sheegaa Yaan La Dhageysan

0
792

Ra’iisul Wasaaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre oo ku Sugan Dalka Norwey Ayaa Xalay Halkaa kula kulmay qaar ka mid ah ardayda waxka barata dalkaas iyo jaaliyada Soomaaliyeed Waxaana uuna cadeeyey in dalka soomaaliya dhinac walba laga dareemayo isbedel.

Waxa uu dhalinyaradii ka qeyb galeysay kulanka u sheegay in mar walba laga dhaadhiciyo dadka dalka dibadiisa ku nool in dalkooda u yahay mid ay ka jirto dhibaato amni.

Sikastaba dhowr jeer ayaa Ra’iisul Wasaare kheyre waxa uu sheegay in ay jiraan Siyaasiyiin Shacabka soomaaliyed ee dalka dibadiisa ku maqan ka dhaadhicinaya in dalkooda ay ka jirto dhibaato amni,kuwaasna loo baahan yahay in aan la dhageysan.


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here