Tuesday, March 18, 2025
HomeDhageysiDhageyso:- PUNSA Oo Baaq U Dirtay Madaxweynaha Puntland

Dhageyso:- PUNSA Oo Baaq U Dirtay Madaxweynaha Puntland

Dallada Ururada Bulshada Rayidka ah ee PUNSA ayaa war saxaafadeed kasoo saartay soo xulista gudiga xalinta khilaafaadka doorashada madaxtinimada Puntland ee sanadka 2019-ka , waxaana baaq loogu diray Madaxwaynaha Puntland kaas oo la xidhiidha dhismaha gudiga xalinta khilaafaadka.

Faysal Axmed Warsame gudoomiyaha Dallada PUNSA oo qodobada kasoo baxay Dalladooda warbaahinta ugu akhriyey ayaa baaq u diray madaxwayne ku xigeenka Puntland iyo musharaxiinta u tartamaya xilka madaxtinimada Puntland, waxaana madaxweyne Gaas loogu baaqay in uu dhakhso soo magacaabo gudiga xalinta khilaafaadka.

War-Saxaafadeedka Ay Soo Saarta Dallada Ururada Bulshada Rayidka Ah Ee Puntland Ayaa Waxaa Ka Mid Ahaa In Guddiga Lasoo Magacaabayo Uu Noqdo Mid Dhex-Dhexaad Ah Oo Si Cadaalad Ah U Xalliya Khilaafka Ka Dhasha MagacaabistaXildhibaanada Baarlamanka Puntland.

Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha:-

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe