Aqoon-Yahan C/raxmaan C/laahi Daqarre Oo ka Mid Aqoon-yahanada Soomaaliyeed Ayaa Eedeyn Kulul Dusha Ka Tuuray Siyaasiyiinta Mucaaradka Ku Ah Xukumadda Soomaaliya Ee Fadhigeedu Yahay Muqdisho.
Pro. Daqarre Oo La Hadlay Codka Gobollada Dhexe Isaga Oo Ku Sugan Kismaayo Ayaa Waxa Uu Siyaasiyiinta Mucaaradka Ah Ku Eedeyey In Mar Walba Ay dafirayaan Wax-Qabadka Dawladda Soomaaliya.
Waxa Uu Tusaale Usoo Qaatay Heshiiska Saddex Geesoodka Ah Ee Dhex-Maraya Wadamada Soomaaliya, Itoobiya Iyo Erteria Waxa Uuna Sheegay In Tallabaasi Ay Tahay Guul Usoo Hoyatay Dhammaan Shacab-Weynaha Soomaaliyeed.
Balse Aqoon-Yahanku Siyaasiyiinta Dhaliilsan Heshiiskaas Ayuu Ku Tilmaamay In Iyaga Qundhoodu Ay Yihiin Dadka Dib U Dhaca Ku Sameynaya Dalka Oo Aanan Marnaba Soo Dhaweyneynin Horumarrada Dawladdu Keeneyso.
Pro Daqarre Siyaasiyiintaasi Nuucaasi Ah Ayuu Tilmaamay In Ay Ka Mid Yihiin Waxa Uu Ugu Yeeray Arga-Gixisada Caalimaga Ah Waxa Uuna Intaa Ku Daray In Dhamaantood Ay Xabsi Mudan Yihiin.
Sidoo Kale Aqoon-yahanku Waxa Uu Weerar Dhinaca Afka Ah Ku Qaaday Qar ka Mid Ah Hoggaamiyaasha Maamul Goboleedyada Oo Ay Ka Mid Yihiin Hogaamiyaha Jubbaland, Axmed Madoobe Kan Puntland Dr.C/weli Max’ed Cali Gaas, Xaafka Gal-Muduug Iyo Shariif Xasankii Koonfur Galbeed Ee Dhawaan Is Casilay Kuwaas Oo Uu Sheegay In Hadda Al-Baabada Laga Soo Xiray Maadama Buu Yiri Markii Hore Ay Aadi Jireen Xukuumadda Addis-Ababa.
Heshiiska Saddex Geesoodka Ee Ka Dhaxeeya Wadamada Soomaaliya, Itoobiya Iyo Erteria Ayaa Waxa Soo Dhaweeyey Dadka Inta Badam Falanqeeya Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya Iyo Qaar Ka Mid Ah Aqoon-yahanada Soomaaliyeed.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Pro. Daqarre Oo Dhameystiran:-

