Imaam Maxamed Yuusuf Cali oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay shirweyne lagu qabanayo Magalada Muqdisho kaas oo looga hadlayo dhibaatooyinka ka jira Magalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Waxa uu walaac ka muujiyey dhibaatooyinka dilalka u badan ee ka dhacaya Magalada Muqdisho gaar ahaan dilkii ugu dambeeyey ee Darawal Mooto  Bajaaj iyo Abtigiis oo shalay lagu dilay agagaarka Isgoyska Howl-Wadaag ee gobolkan Banaadir,waxaana uu dalbaday in askarigii dilka geystay sharciga la horkeeno.
Isaga oo Warbaahinta kula hadlayay Magalada muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in marnaba aysan aqbaleyn hadii ay yihiin Odayaasha Dhaqanka dilalka had iyo jeer ka dhacaya Magalada Muqdisho,isla markaana la qaban doono Shirweyne.
Imaam Maxamed Yuusuf Cali ma shaacin nooca uu noqon doono shirweynahaas, iyada oo la wada ogyahay in Magalada Muqdisho aysan laheyn metelaad gaar ah iyo Maamul ay iyagu doorteen oo u Madax banaan.