Friday, April 17, 2026
HomeDhageysiDhageyso:- Madaxweyne Ku Xigeenka Gal-Mudug Oo Baaq U Diray Hay'ado Caalaami Ah

Dhageyso:- Madaxweyne Ku Xigeenka Gal-Mudug Oo Baaq U Diray Hay’ado Caalaami Ah

Max’ed Xaashi Cabdi Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Gal-Mudug Oo Dib Ugu Soo Laabtay Deeganada Gal-Mudug Ayaa Sheegay In Inta Badan Magaalooyinka Gal-Mudug Ay ka Jirto Abaar daba Dheeraatay Isla-Markaana Dadka Deegaanka Ay U Baahan Yihiin Gar-Gaar Bin-Aadntinimo.

Waxa Uu Sheegay Madaxweyne Xigeenku In Ay Jiraan Deeqo Loogu Tala-Galy Dadka Abaaruhu Saameeyeen Ee Ku Dhaqan Deegaanada Maamulka Gal-Mudug Balse Aanan Loo Gaarsiin Sidii Loogu Tala-galay.

Hay’adaha Samafalka Iyo Kuwa Deeq Bixiyaasha Ayuu Ugu Baaqay In Ay Si Dhaw Uga Warqabaan Isla-Markaana Il Gaar Ah Ku Hayaan Dadka Ku Dhibaateysan Deegaanada Maamulka Gal-Mudug Kuwaas Oo U Baahan Gar-Gaar Bin’aadantinimo.

Dhinaca Kale Max’ed Xaashi Cabdi Madaxweyne Ku Xigeenka Gal-Mudug Ayaa Sheegay In Uu Rajeynayo In Sida Ugu Dhaqsiyaha Badan Loo Soo Afjaro Khilaafka Ragaadiyey Madaxda Sare Ee Gal-Mudug.

Waxa Uu Tilmaamay In ka Masuul Ahaan Uu Dhankiisa Dadaal Ku bixinayo Sidii Loo Dhamneyn Lahaa Khilaafka Iyo Sidii Wax loogu Qaban Lahaa Shacabka Reer Gal-Mudug.

Hadalkaan Ayuu Madaxweyne Ku Xigeenka Gal-Mudug Max;ed Xaashi cabdi Waxa Uu Ka Sheegay Magaalada Cabudwaaq Ee Waqooyiga Gobolka Gal-gaduud Kaas Oo Shalay Lagu Soo Dhaweeyey Ka Dib Safarro Uu Ku Joogay Magaalooyinka Muqdisho Iyo Nairibi..

 

Hoos Ka Dhageyso Warbixinta Abdirashid Ali Mohamed:-

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe