Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. C/weli Max’ed Cali Gaas Oo Dib Ugu Laabtay Magalada garoowe Ee Xarunta Gobolka Nugaal Ahna Caasimadda Maamulka Puntland Ayaa Waxa Uu Ka hadlay Xiisadda dagaal Ee kasoo Cusboonaatay Deegaanka Tukaraq Ee Gobolka Sool.
Madaxweyne Gaas Oo Maanta War-baahinta Shir-jaraa’id Ugu Qabtay Xarunta Madaxtooyada Maamulka Puntland Ee garoowe Ayaa Waxa Uu Iclaamiyey Dagaal Ka Dhan Ah Dhiggooda Maamulka Soomaaliland.
C/weli Max’ed cali Gaas madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa Muusa biixi Cabdi Madaxweynaha Soomaaliland Waxa Uu U Diray fariin Ah In Puntland Ay ka Go’an tahay Difaaca Dhulkeeda Isla-markaana Iska Celiso Cid Walba Uu Kusoo Duusha Sida Uu Hadalka U Dhigay.
Shacabka reer Puntland Ayuu ugu Baaqay in Ay U Diyaar Garoobaan Difaaca Dalkooda Iyo dagaal dheeraad ah Iyo in Sharaf Ku Noolaadaan.
Labadii Maalmood Ee u dambeysay Deegaanka Tukaraq Waxaa Ka Socday Dagaal U dhaxeeyey ciidamo kala Taabacsan Maamullada Puntland Iyo Soomaaliland Kaas Oo labada Dhinac Guulo Muhim Ah Ka Sheegteen Waxana mar Walba La Filan Kara dagaalMar kale Halkaasi ka Qarxa Maadama Weli Ciidamu isku Hor Fadhiyaan deegaanka.
Halkaan Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Puntland:-