Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta u ambabaxay magaalada Makkah Al-mukarramah ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya halkaas oo uu ka furmi doono Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka.
Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho ku sii sagootiyey Xubno isugu jira,wasiiro,Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo xubno kale.
Wafdiga Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa Sacuudiga uga sii horeeyey wafdi horudhac u ah safarkiiisa oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaa\ha dibada ee dalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad uuna ka mid yahay wasiirka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale.
Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka ee uu Madaxweyne Farmaajo ka qeyb galayo ayaa lagu wadaa in Maalinta Berito ah uu ka furmo Magalada Makkah Al-mukarramah ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya,waxana uu socon doonaa mudo laba Cisho ah.
Dhanka Kale
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ugu magacaabay Mudane C/xakiin Xasan Ibraahim Ashkir in uu noqdo Danjiraha dalkeenna u qaabilsan dalka aan walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudiga.
“Madaxweynaha ayaa markii uu tixgeliyay aqoonta iyo waayo-aragnimada uu Danjire Cabdixakiim u leeyahay gudashada waajibaadka Danjiranimo waxa uu soo saaray xeerkan.”
Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay Danjiraha Cusub inuu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus, isaga oo kula dardaarmay inuu si hufan ugu shaqeeyo magaca iyo mataaladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Danjiraha Cusub ee soomaaliya u fadhin doona Boqortooyada sacuudi carabiya ayaa ahaa wasiiru Dowlaha Wasaaradda diinta iyo Awqafta ee Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.
Sidoo kale Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u yeeray Danjireyasha Soomaaliya u jooga dalalka Masar iyo suudaan,iyada oo laga dalbaday in mudo todobaad gudaheed ah ay ku yimaadaan Soomaaliya.