Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay kullan la qaatay hawl wadeennada caafimaadka, hay’adaha Amniga iyo kuwa gurmadka degdega ah, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Masuuliyiin kale oo ay ku jiraan Wasiiro.
Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyay hay’adahaas kaalintii ay ka gaysteen gargaarkii loo fidiyay dadkii birimageydada ahaa ee lagu laayay qaraxyadii iyoweerarkii ka dhacay MagaladaMuqdisho.

