Friday, April 25, 2025
HomeDhageysiDhageyso:- Madaxweyne Cagjar Oo Wacad Ku Maray In Tallaabo laga Qaadi doono...

Dhageyso:- Madaxweyne Cagjar Oo Wacad Ku Maray In Tallaabo laga Qaadi doono Dadka Falalka Amni-darro ka Geysanaya Jig-Jiga buy flowers richmond hill

Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Max’ud Cumar (Cagjar) Oo War-baahinta Kula Hadlay Gudaha Magaalada Jig-jiga Ee Xarunta Dawlad Deegaanka Soomaalida Ayaa Ka warbixiyey Arrimo badan Oo Ay Ka Mid Yihiin Dhinacyada Siyaasadda, Amniga Iyo Qorshayaasha U Degsan Maamulkiisa.

Madaxweyne cagjar Oo Ugu Horreyntii ka Hadlay Dhinaca Siyaasadda Ayaa Sheegay In Hadda Maamulku Uu Meel Wnaagsan Marayo Dhinaca Siyaasadda Marka Loo Eego Maamulkii Isaga Ka Horeeyey Ee Hormuudka Uu Ka Ahaa Cabdi Max’ud Cumar.

Waxa Uu Tilmaaay In hadda Qof Walba Oo Ku Dhaqan Dhulka Dawlad Deegaanka Soomaalida Uu Dareemayo Xasilooni Siyaasadeed Iyo Siyaasadda Ay Qof Walba U Furan Tahay.

Madaxweynaha Oo ka hadlayey Dhinaca Amniga Ayaa Xusay In Haatan Uu wanaagsan Yahay Amniga Guud Ee dalka Marka Laga Reebo Labo Ama Saddex Goobood Oo Ay ka Dhaceen Dagaallo Ku Saleysan Aanooyin Qabiil Waxa Uuna Carrabka Ku Dhuftay In Arrinkaasi Xal Laga Gaaray Oo Si Cadaalad Ah Loo Kala Dhex-galay Dhinacyadii Dirirtu Ka Dhaxeysay.

Dhinaca Kale Mustafe Max’ud cumar Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Waxa Uu farriin Adag U Diray Dadka Falalka Amni Darro Ka Geysanaya Gudaha Magaalada Jig-jiga Ee xarunta Dawlad Deegaanka Soomaalida.

Waxa Uu Wacad Ku Maray In Tallaabo Sharciga Waafaqsan laga Qaadi Doono Dadka Aan U Dhalan deegaanka Ee Haddana Falalka Amni Darro ka Geysanaya Gudaha Magaalada Jig-Jiga.

Hadalka Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Ayaa Waxa Uu Imaanayaa Iyadoo Labadii Maalin Ee U Dambeysay Ay Rabshado Khasaare dhaliyey Ka Dhaceen Gudaha Magaalada Jig-jiga Ee Xarunta Dawlad Deegaanka Soomaalida.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Dawlad DeegaankaSoomaalida Mustafe Max’ud Cumar:-


https://flowercompany.ca/richmond-hill/

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe