Monday, August 10, 2026
HomeWararDibaddaDhageyso:-Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka dalbaday hay’adaha Qaramada Midoobay inay xafiisyo ka furtaan...

Dhageyso:-Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka dalbaday hay’adaha Qaramada Midoobay inay xafiisyo ka furtaan deegaannada Hirshabeelle.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hir-Shabeelle kulan kula qaatay mas’uuliyiinta ugu sareysa hay’adaha UNICEF,WFP,IOM iyo OCHA.

Kulanka Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Madaxda Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa, isla markaana loo dar dar gelin lahaa howlaha Hay’adaha ee loogu tallo galay kor u qaadista nolosha dadka deegaanka.

Wafdiga Hay’adahan ayaa waxaa hoggaaminayay Madaxa Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya Wafa Saciid, wuxuuna maamulka la wadaagay dhammaan mashaariicda ay qorsheynayaan inay ka fuliyaan Hirshabeelle, wuxuuna xusay inay dardargelin doonaan howlaha shaqo ee ay ka wadaan deegaanada Hirshabeelle. .

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali C/llaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa ku wargeliyay mas’uuliyiinta hay’adaha uu maanta la kulmay inay xafiisyo iyo wakiillo rasmi ah ku yeeshaan deegaannada maamulka Hirshabeelle si loo horumariyo wadashaqeynta dhow.

W/D: Bashiir Abdulahi Osmaan

Baledweyne.Somaaliya

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe