Monday, October 14, 2024
HomeDhageysiDhageyso:- Madaxda Gal-mudug Oo Lagu Eedeeyey In Ay Baalmareen Dastuurka Gal-mudug

Dhageyso:- Madaxda Gal-mudug Oo Lagu Eedeeyey In Ay Baalmareen Dastuurka Gal-mudug

Xilli Uu Weli taagan yahay Khilaafka Siyaasadeed Ee ka dhexeeya Madaxda Ugu sareysa Maamulka Gal-mudug Oo Haatan Ku kala  Sugan Magaalooyinka cadaado Iyo Dhuusa-mareeb Ayaa Arrinkaa Waxaa ka Hadlay Xubno Ka Tirsan Maamulka Deegaanka Dhabad Ee Waqooyiga Gobolka Gal-gaduud.

Aadan cabdi Nuur Galaal aden gebi Guddoomiyaha Deegaanka Dhabad Oo La hadlay Idaacadda Codka Gobollada Dexe Ee Cadaado Ayaa Waxa Uu Sheegay In Khilaafka ka Dhaxeeya Madaxda Gal-mudug Uu Salka ku Hayo Qaabka Loogu Dhaqmayo dastuurka Dawlad Goboleedka Gal-mudug.

Guddoomiyaha Waxa Uu Tilmaamay In Madaxda Sare Ee Gal-mudug Ay Si Toos Ah U Baalamareen Dastuurka U Degsan Maamulka Gal-mudug Balse Loo Baahan yahay In Madaxdu Ay Dastuurka Dib Ugu Soo Laabtaan Isla-markaana Ay xal Ka Gaaran Khilaafka Dhax-Aloosan.

Dhinaca kale guddoomiyaha Deegaanka Dhabad Ee waqooyiga Gobolka Gal-gaduud Aadan cabdi Nuur Galaal Ayaa Waxa Uu Hoosta ka Xariiqay Tan Iyo Inta Uu Jiro khilaafkan Ka Dhaxeeya Madaxda Sare Ee Gal-mudug Aanay Jirin Cid La Shaqeyn Karta.

Waxa Uu Sheegay In Sanado Badan Oo Khilaaf Ka Dhex-taagnaa Mas’uuliyiinta Maamulka Gal-mudug Waxa Uuna Ugu Baaqay In ilaaliyaan Mas’uuliyadda Loo Dhiibtay Maamulkana Aysan Iyagu Laheyn balse Uu ka Dhaxeeyo Dhammaan shacabka reer Gal-mudug.

Ugu Dambeyntii Ayuu Waxa Uu Tilmaamay In Gal-mudug Aysan U Shaqeyneynin Sidii Looga Baahnaa Isla-markaana Dhammaan maamullada kale Ee dalka Ay Ka Hormareen waxa Uuna Ugu Baaqay In Iska Ilaaliyaan Wax Walba Oo Dib U Dhac Ku Keeni kara…

Weli Waxaa Taagan Khilaafka Siyaasadeed Oo Soo Kala dhex-galay Madaxda Ugu sareysa Maamulka gal-mudug Kuwaas Oo Labo Garab u Kala Jabay IyadoonaHaatan Cadaado Ay ku sugan Yihiin Madaxweyne Ku Xigeenka Iyo guddoomiyaha Baarlamanka Gal-mudug Halka garabka kalena Uu Ku Sugan Magaalada Dhuusa-mareeb.

Hoos Ka Dhgeyso Wareysiga Guddoomiyaha Oo Dhameystiran:-

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe