Gudoomiye ku xigeenka labaad ee gobolka Mudug Mudane Maxamed Cumar Afdhuub ayaa Waraysi uu siiyey Radio Codka gobolada Dhexe wuxuu sheegay in dib u dajin ay samaynayaan dadkii Abaarihii lasoo dhaafay ay soo dhaafiyeen xoolohooda ee kusoo xarooday Xeryaha Barkaca ee Gaalkacyo.
Gudoomiye ku xigeenka ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in guryo looga dhisay dadkan qayb kamid ah Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Maxamed Cumar Afdhuub ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in dadkaasi xiligan lagu xulanayo Shuruudo ay kamid tahay dadka baahiyaha gaar ka ah qaba iyo sidoo kale Agoomaha ayna yihiin dadka ugu horeeya ee la gaynayo Xeryahaasi.
Ugu danbayn Gudoomiye ku xigeenka gobolka ayaa sheegay in dadkan dib u dajinta loo samaynayo ay helayaan guryo ay iyagu leeyihiin iyo dhul ay haystaan Warqada agoonsiga ee loo yaqaan Sabar loogada.
Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiye Ku Xigeenka.