Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee soomaaliya iyo kuwa cadaan ah ayaa xaley weerar xoogan waxaa ay ku qaadeen deegaanka Bariire oo 30 KM u jirta degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha Hoose.
Labo diyaaradood oo nuuca helicopters ka ah ayaa labada dhinac ee deegaanka ku kala degey, duqeynta waxaa geystey diyaarad Dron ah oo markii Ciidamada dowladda iyo kuwa cadaanka ah ay ka dageen Bariire kadib beegsatay Saldhig ay ku sugnaayeen Al-shabaab,
Muddo kadib waxaa deegaanka gudaha u galey ciidamadii cadaanka ahaa iyo kuwa Soomaalida dagaal fool ka fool ah ayaa dhex marey iyaga iyo Al- shabaab hub culus ayaana la isweydaarsanayey.
Hoos Ka Dhageyso Warbixinta Wariyaha Codka Gobollada Dhexe Ee Muqdisho Awil Mohamed Isse Indha-Adde:-