Home Dhageysi Dhageyso:-Khasaare ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Wanla-weyn holistic nutrition programs online

Dhageyso:-Khasaare ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Wanla-weyn holistic nutrition programs online

270

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa qarax xalay fiidkii ka dhacay banaanka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaasi oo si weyn looga maqlay qaar ka tirsan xaafadaha gobolkaasi.

Mas’uuliyiin Ka Tirsan Maamulka degmada wanla-weyn Ayaa Waxa Ay Sheegeen In qaraxa Oo ahaa Bombo gacmeed Lala Eegtay Barkoontarool Oo Ay Ku Sugnaayeen Ciidanka Millatariga Soomaaliya.

Max’ed Cabdulle Xasan taliyaha Saldhigga Booliiska Degmada Wanla-weyn Oo La hadlay Idaacadda Codka Gobollada Dhexe ayaa Waxa Uu Sheegay In Jirto Khasaaro Qaraxaasi Kasoo Gaaray Askarta.

Waxa Uu Tilmaamay In halka Askari Uu Ku Geeriyooday qaraxaasi halka Labo askari Oo kale Ay Ku dhaawacmeen inakstoo taliyuhu Sheegay In Dhawaaca Askarta Uu yahay Mid Fudud.

Qaraxa ayuu Tilmaamay taliyuhu In Uu Geystay Hal ruux Oo kaliya Kaas Oo Magaalada ka baxay Markii dambana Sida Uu Sheegay taliyaha Saldhigga Degmada Wanla-weyn

Dhinaca kale Taliyaha ayaa Waxa Uu Sheegay In Ay Sameeyeen Baaritaano dheeraad Ah balse Aysan Wax dad Ah U Soo Qaban Qaraxaasi.

Waxa Uu Ugu Dambeyntii tilmaamay In Amniga Guud Ee Wanla-weyn Hadda Uu yahay Mid la Isku Haleyn Karo.

Shabaab oo warkan uga hadlay baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxay sheegteen masuuliyadda qaraxan, waxayna tilmaameen in ay dileen Afar askari, halka ay dhaawaceen 7 askari, iyaga oo sidoo kale tilmaamay dadka qaraxan lagu waxyeeleeyay inuu ka mid ahaa Madaxa maaliayadda degmada Wanlaweyn.

Hoos Ka dhageyso CodkaTaliyaha Saldhiga Wanla-weyn Max’ed Cabdulle Xasan:-


https://holistickenko.com/about-amanda/

https://holistickenko.com/about-amanda/

holistic nutrition programs online