Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa mamnuucday jarista dhirta qoyan iyo qodista waraha aan sharciyeysnayn si looga dheeraado nabaad-guurka deegaanka.
Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo dalxiiska Jubbaland Caydiid Saleebaan Xaashi oo akhriyey bayaan kasoo baxay wasaaradda ayaa sheegay in la loojiyey jarista dhirta qoyan ee loo isticmaalo dhuxushawax lagu karsado iyo seereynta dhulka.
Sidoo kale wasiirku wuxuu sheegay in la mamnuucay qodista waraha aan sharciyeysnayn iyo qodista dhulka si dhagax loogala baxo.
Dhammaan talaabooyinkaan ayey Dowlad-goboleedka Jubbalanad uga gol leedahay ilaalinta deegaanka iyo ka dheeraanta nabaad-guurka.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Deegaanka Jubbaland:-

