Sunday, March 23, 2025
HomeDhageysiDhageyso:-Jubbaland Oo Jawaab Ka Bixisay Warkii Ka Soobaxay Aqalka Sare

Dhageyso:-Jubbaland Oo Jawaab Ka Bixisay Warkii Ka Soobaxay Aqalka Sare

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Jubbaland Xirsi Jaamac Gaanni oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in go’aanka ay Aqalka sare soo saareen Jubbaland ay soo dhaweyneyso,hayeeshee aysan micnaheedu aheyn inuu dhamaaday khilaafka Dowladda iyo Dowlad goboleedyada.

Waxa uu sheegay in la xaliyay qeyb ka mid ah tabashooyinkii ay qabeen,balse tan ay tahay wajiga 1aad oo la doonayo inay fuliso dowladda Federaalka Soomaaliya Warka ka soo baxay Guddiga Aqalka Sare.

Isaga oo sii hadalayay Wasiirka Madaxtooyada Jubbaland Xirsi Jaamac Gaanni ayaa waxa uu sheegay inay jiraan qodobo ay ka caga jiideyso fulintooda dowladda Federaalka Soomaaliya,kuwaas oo aan ku jirin 8-da qodob ay Guddiga Aqalka Sare soo saareen.

Ugu dambeyn Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Jubbalandayaa sheegay in Jubbaland ay sugeyso jawaabta fulinta qodobada kusoo baxay qoraalka golaha Baarlamaanka ee Aqalka sare.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe