Guddoomiye Ku Xigeenka Amniga Iyo Siyaasadda Degmada Baraawe Ee Gobolka Shabeellada hoose Oo La hadlay Idaacadda Codka Gobollada Dhexe Ee cadaado Ayaa Waxa Uu ka Warbixiyey Amniga Guud Ee Baraawe Isagoo Sheegay In Uu Aad U Wanaagsan Amniga Magaalada Baraawe.
Bashiir Max’ed yuusuf Guddoomiye Ku Xigeenka Amniga Iyo Siyaasadda Ee Baraawe ayaa Waxa Uu Sheegay In hadda Aysan Al-shabaab Awood Ku laheyn Degmada Baraawe Iyo Nawaaxigeeda Isla-markaana Aysan Weeraro Ka Geysan Karin.
Guddoomiye Ku Xigeenka Sidoo Kale Waxa Uu Xusay In Afarta Dhinac Ee Magaalada Ay Difaac kaga Jiraan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Iyo Kuwa Nabad Ilaalinta Midawga Africa Amisom Amniga Guud Ee baraawana Uu yahay Mid Aad U Wanaagsan OO La Isku Haleyn Karo.
Dhinaca kale Waxa Uu Soo hadal Qaaday Guddoomiye Ku Xigeenka Hawl-gallada Ciidamada Xoogga Iyo Amisom ka Wadaan Degmada Baraawe Ee Gobolka Shabeellada Hoose Waxa Uuna Tilmaamay In Hawl-galladaas Iyo Baaritaanada Intaba Ay Socdaan Meel Wanaagsana marayaan.
Sidoo kale Waxa Uu Tilmaamay In Horraantii Bishan Ramadan Ay Ciidamadu gacanta kusoo Dhigeen Illaa Iyo 5 Ruux Kuwaas Oo Guddoomiye Xigeenku Sheegay In Ku Tuhmayaan Ku Lug-lahaanshaha Al-shabaab Isla-markaana Ay hay’adaha Amniga Gacanta U Geliyeen haatana Ay Baaritaano Dheeraad Ah Ku Socdaan dadkaasi.
Hadalkaan kasoo baxay Guddoomiye Ku Xigeenka Baraawe Ayaa Waxa U Imaanaya Xilli Lagu Guda Jiro Bisha Barakeysan Ee Ramadan Taas Oo Al-shabaab Inta Badan Sara U Qaadaan Weerarada qorsheysan Iyo Dilalka Ay Ka Fuliyaan qaybo ka Mid Ah Gobollada Koonfured Ee Dalka.
Hoos ka Dhageyso Wareysiga Guddoomiye Ku Xigeenka Baraawe Oo La hadlay Codka Gobollada Dhexe:-