Monday, April 15, 2024
HomeDhageysiDHAGEYSO:- Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Oo Loogu Baaqay inuu ku Laabto Dhuusamareeb.

DHAGEYSO:- Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Oo Loogu Baaqay inuu ku Laabto Dhuusamareeb.

Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa waxaa loogu baaqay in uu kusoo laabto Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa waxa ay sheegeen in la doonaayo in la dardargeliyo Howlaha horyaalla Baarlamaanka Galmudug.

Xildhibaanada ayaa waxa sheegeen in aan la dooneyn in xilligaan laga dhex abuuro Khilaaf Madaxda Galmudug.

Waxa ay sheegeen xildhibaanada Galmudug in laga doonaayo Gudoomiyaha Baarlamaanka in uusan caqabad ku noqon geedi socodka Nabadda ee Galmudug.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa dhawaan Magaalada Muqdisho ka sheegay in uu kasoo horjeedo qaabka ay u socdaan howlaha dib u heshiisiinta Galmudug iyo Ahlusunna.

Halkaan, ka dhagayso:

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe