Gudoomiyihii Golaha Deegaan Ee Degmada Jariiban Ee Gobolka Mudug Mudane Maxamed Yuusuf Shirwac Ayaa Maanta Oo Taariikhdu Tahay 03_02_2019 Wuxuu Warbaahinta U Qaybiyey Warqadiisii Iscasilaada Ka Dib Markii Uu 29_01_2019 Golaha Deegaanka Ka Codsay Inuu Iska Casilo Xilkaasi.
Maxamed Yuusuf Shirwac Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Ee Degmada Jariiban Ayaa Sheegay Inuu Xilkaasi Uga Tagay Duruufo Caafimaad Iyo Hawlo Isaga U gaar Ah Sida Uu Sheegay.
Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Ayaa Xiligii Uu warbaahinta La Hadlayey Wuxuu Sheegay 3 Sano Iyo 7 Bilood Oo Xilkaasi Soo Hayey Inuu Wax Badan Ka Qabtay Degmada Jariiban Isagoo Uga Mahad Celiyey Dhamaan Shaqalihii Iyo Wasaarada Arimaha Gudaha Dawlada Hoose Iyo Hormarinta Reer Miyiga Puntland.
Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha:-

