Home Dhageysi Dhageyso:- Gal-Mudug Oo Soo Dhaweysay Go’aankii Golaha Aqalka Sare

Dhageyso:- Gal-Mudug Oo Soo Dhaweysay Go’aankii Golaha Aqalka Sare

161

Iyadoo Dhawaan Guddigii Golaha Aqalka Sare U Xil Saarin Xallinta Khilaafka Ka Dhex-Aloosan Dawladda Dhexe Iyo Dawladaha Xubinta Ah Ka Ah Ay Soo Saareen Qodobo Dhawr Ah Oo Ay Kasoo Aruuriyeen Maamul Goboleedyada Kuwaas Oo Ahaa Waxyaabaha Ugu Badan Oo Ay Hoggaamiyaasha Dawlada Goboledyada Ka Cabanayeen Ayaa Arrinkaasi Waxa Ka Hadlay Garabka Maamulka Gal-mudug Ee Fadhigiisu Yahay Magaalada Cadaado.

War-Saxaafadeed Kasoo Baxay Gal-mudug Ayaa Lagu Sheegay In Lagu Soo Dhaweynayo Dadaalka Aqalka Sare Ugu Jira Xallinta Khilaafka Ka Dhaxeeya Dawladda faderaalka Ah Iyo Dawlad Goboleedyada Waxaana War-Saxaafadeedka Lagu Sheegay In Haba-Yaraatee Wax Khilaaf Ah Gal-mudug Kala Dhaxeyn Dawladda Dhexe Ee Dalka.

C/raxmaan Heeloos Oo Dhawaan Axmed Baasto U Magacabay Wasiirka War-Faafinta Gal-mudug Isla-Markaana Saxaafadda Kula Hadlayey Magaalada Cadaado Ayaa Ugu Horreyn Tilmaamay In Golaha Iskaashiga Dawlad Goboleedyada Ay Yihiin Caqabadda Kaliya Ee Hor-Taagan Horumarka Dawladda Isla-Markaana Aan Ogoleyn Ku Dhaqanka Qawaaniinta Dalka Iyo Nidaamka Faderaalisam-Ka.

War-Saxaafadeedkan Ayaa Waxaa Sidoo Kale Lagu Xusay In Axmed Ducaalle Geelle Xaaf Oo Hadda Ku Shaqeeya Dhuusa-Mareeb Uusan Wax Xil Ah Ka Heyn Dawlad Goboleedka Gal-Mudug Balse Taa Badalkeed Waxa Uu Wasiir Heeloos Tilmaamay In Gal-mudug Ka Mid tahay Dawlad Goboleedyada Xubnaha Ka Ah dawladda Dhexe Isla-Markaana Ay Si Buuxda U Taageersan Tahay Siyaasadda Dawladda Dhexe.

Khilaafka Siyaasadeed Ee Ka Dhex-Tolan Dawladda Faderaalka Ah Iyo Dawladaha Xubinta Ka Ah Ayaa Muddo Soo Jiitamayey Waxaa uuna Gaaray Heer Ay Hakad Gasho Wada-shaqeyntii dawladda Dhexe Iyo Maamul Goboleedyada Balse Hadda Waxa Uu U Muuqdaa Khilaafkas Mid Xalkiisu Uu Dhaw Yahay.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiir Heeloos:-