Xilli Muddooyinkii Dambe Mashaariic Horumarineed ay Ka Socdeen Deegaano Ka Tirsan Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug Oo ay qayb Ka ahaayeen Wadooyinka Isku Xiraya Hobyo Iyo Wasil Iyo magaalada Gaalkacyo ayaa haatan Waxaa la Soo gabagabeeyay Wajiga Koobaad ee Dhismaha Wadooyinkaasi.
Mas’uuliyiin Ka Tirsan Maamulka Deegaanka Wasil Ayaa waxa Ay Tilmaameen In Ay Soo Gaban-gabowday Dhismaha Wadada Isku Xirta Degmada Hobyo Iyo Deegaanka Wisil Ee Gobolka Mudug.
Afhayeenka Deegaanka Wisil Yoonis Abshir Daleel Oo La Hadlay Idaacadda Codka Gobollada Dhexe Ayaa Waxa Uu Sheegay In Maalmo Ka Hor Ay Soo idlaatay Dhismaha Wadadaasi Isla-markaana Uu Xariga Jarkeedu Uu Ka Dhacay Degmada Hobyo Ee Gobolka Mudug.
Waxa Uu Tilmaamay In Ay Faa’iidooyin badan Ku qabaan Shacabka Reer Wisileed Ee U Safraya Degmada Hobyo Ee Gobolka Mudug Kuwaas Oo Dhibaatooyin Kala Duwan Ku Qabay Isagoona Intaa Ku daray In Wadada Baldhaceedu Uu Gaarayo illaa Iyo Labaatan Mitir Oo Jey Jey ah.
Afhayeenka Deegaanka Wisileed ayaa Waxa Uu Tilmaamay In Shacabka Ku dhaqan Wisil Ka Hor Inta Aan La Dhisin Wadadani Ay Caqabado Badan kala Kulmi Jireen Oo Gawaari Badani Halkaasi Ku Rogman Jirtay.
Sidoo kale Waxa Uu Hoosta Ka Xariiqay In Saacado Badam Oo gaaraya Illaa Iyo Lix Saac Loo Socda Degmada Hobyo Halka Maanta Loo Soconayo saacado yar Oo kaliya….
Dhinaca Kale yoonis Abshir Daleel Afhayeenka Deegaanka Wisil Oo hadalkiisa Sii Wata Ayaa Waxa Uu Tilmaamay In Wadada Isku Xirta Degmada Gaalkacyo Ee xarunta Gobolka Mudug Iyo Deegaanka Wisil Ay Dhismaheedu Billaaban Doonto Maalmaha Soo Socda.
Waxa Uu Carrabka Ku Dhuftay In Wadadani Lagu Dhisi Doono Muddo hal Sano gudaheed Ah Sida Ay Sheegeebn Injineerada Iyo Shirkadda Gacanta Ku Heysa Dhismaha Wadadaani Waxa Uuna Intaa Ku daray In shacabka Deegaanka Wisil Ay Soo Dhaweynayaan.
Mashaariicdaan Horumarineed Ee Ka Socda degaanadan Ka Tirsan Kuwa Maamulka Gal-mudug Ayaa Muhiimad gaar Ah waxa ay u Leeyihiin Shacabka Ku Dhaqan Deefganada Ay Mashaarii dan Ka Socdaan Waxa ayna Kasoo Aadayaan Mashaariicdan Xilli Madaxda Maaulka Gal-mudug Shaaciyeen in Ay dhisayaan dekadda Magaalo Xeebeedka Hobyo Ee Gobolka Mudug.
Halkaan Ka Dhageyso Wareysiga Afhayeenka Oo Dhameystiran:-