Home Dhageysi Dhageyso:- Dagaal u Dhaxeeya Al-shabaab Iyo Dadka Deegaanka Oo ka Socda Sh/Dhexe

Dhageyso:- Dagaal u Dhaxeeya Al-shabaab Iyo Dadka Deegaanka Oo ka Socda Sh/Dhexe

319

Sida Aynu Ku Heleyno Wararka Ka Imaanaya Deegaano Ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe Ayaa Waxa Ay Kusoo warramayaan In Halkaasi ay ka taagan tahay Xiisad U Dhaxeysa Al-shabaab Iyo dadka Deegaanka.

Dagaalka Ayaa Si Gaar ah waxa Uu Uga Socdaa Deegaano Hoos taga Degmada balcad Ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Sida Ay Noo Sheegeen Goob-joogayaak Ku Sugan Gobolka.

Mid ka Mid Ah Dadka deegaanka Oo La hadlay Idaacadda Codka Gobollada Dhexe Ayaa waxa Uu Sheegay In Xiisaddan Colaadeed Ay Soo Jiitameysay Muddo Isbuucyo Ah balse Maanta Uu dagaal adag Halkaasi Ku dhexe-maray Al-shabaab Iyo dadka deegaanka.

Waxa Uu Tilmaamay In wax la isku Hayo Ay tahay arrimo la xariira Xoolaha Al-shabaab Ay dadka ka qadaan Kuwaas Oo loo yaqaan (zakawaat-ka).

Sidoo Kale goob-joogahaan Ayaa waxa uu Carrabka Ku Dhuftay In Aysan Jirin Wax Gurmad Oo dadka deegaanka uga Yimid Maamulka Degmada Mahadaay Taas Oo U Sababeeyey Fatahaadda Webiga Shabeelle Uu Halkaasi Ka Sameeyey.

Ma Jirto wax War Ah Oo Kasoo baxay Maamulka Degmada Iyo Kan Hir-shabeelle Kaas Oo Ku Aadan dagaalka dadka Deegaanka Iyo Al-shabaab Ku Dhex-maraya Qaybo ka Mid Ah Shabeellaha Dhexe.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Goob-joogaha Oo La hadlay Codka Gobollada dhexe:-