Ciidamada Dowladda iyo dagaalyahano ka tirsan Shabaab ayaa galabta orax dhacii ku dagaalamay deegaanka Jilib Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Waxaana wararka aan ka heleyno Deegaankaasi dagaalka uu ka dhacay ay sheegayaan in gacan ku heynta deegaankaasi lagala wareegay Shabaab kadib weerar ay ciidamada Xooga oo fariisin ku lahaa Magaalada Marka ay ku qaadeen deegaankaasi.
Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre Oo la Hadlay Idaacadda Codka Gobollada Dhexe ayaa sheegay in dagaalkaasi ay Shabaab kaga dileyn dagaalyahano badan sidaas si lamid ahna ay ka furteyn hub walloow uusan sheegin khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaasi ka dhashay.
Shabaab weli dhankooda kama aysan hadal dagaalkaasi iyo sheegashada Dowladda ee ah in ay khasaaro xoogan ugu geysteen dagaalkaasi ku dhexmaray deegaanka Jilib Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Guddoomiyaha Oo Dhameystiran:-

