Hawl-galo Xalay ay sameeyeen taliska Booliska Degmada Cadaado ayaa Waxa ay Kusoo qabteen waxyaabaha Maanka Dooriya iyo Dadkii Ka ganacsanayay Waxaana Saldhiga Booliska Cadaado Ku xiran dadkii ka ganacsanayay Waxyaabaha Maanka Dooriya oo iskugujira Qamri,Xashiish iyo waxyaabo Kale.
Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Cadaado 2-Xidigle Cali Maxamed Xasan(Cali dheere) oo Lahadlay Idaacada Codka Gobolada Dhexe ayaa Waxa uu sheegay in ay in mudo ah ku raad joogeen sidii ay kusoo qaban lahaayeen Waxyaabaha Maanka Dooriya iyo Dadka ka ganacsada intaba.
Taliyaha waxaa kale oo uu sheegay in ay sii wadi doonaan hawl-galada nuucaani ah tan iyo inta Magaalada laga Sifaynayo Maandooriyaha.
Halkaan Ka Dhageyso Codka Taliyaha.