Home Dhageysi Dhageyso:-Cudurka Shuban Biyoodka Oo Ka Dillaacay Shabeellaha Dhexe

Dhageyso:-Cudurka Shuban Biyoodka Oo Ka Dillaacay Shabeellaha Dhexe

357

Wararka Naga Soo Gaaraya Gobolka Shabeellaha Dhexe Ayaa Waxa Ay Sheegayaan Iyo Deegaano Ka Tirsan Gobolkaasi Uu Ka Dillaacay Cudurka Shuban Biyoodka.

Cudurka Ayaa Si Gaar ah Waxa Uu Uga Dillaacay Deegaano Dhawr Ah Oo Hoos Taga Degmada Cadale Ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Kaas Oo Fara Ba’an Ku Haya Dadka Deegaanadaasi.

Guddoomiyaha Degmada cadale Ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Muusa Maxamed Axmed “Kali” Oo La Hadlay Idaacadda Codka Gobollada Dhexe Ee Fadhigeedu yahay Cadaado ayaa Ka Warbixiyey Tirada Dadka Ah Ee Uu Cudurkaan Soo Ritay.

Waxa Uu Sheegay In Cudurka Uu deeganada Ka Billowday Muddo Saddex Beri Ka Hor Waxa Uuna Intaa Ku Daray InUu Soo Ritay Tiro Dad Ah Oo Gaaraya illaa Iyo 30-Ruux Oo ka Mid Ah dadka deegaanka.

Guddoomiye Kali Ayaa Waxa Uu carrabka Ku dhuftay In Hadda Ay Dhimashadu Mareyso Hal Ruux Oo Kaliya Balse Ay Wadaab dadaallo Ay Kula Tacaalayaan dadka Uu Soo ritay Cudurkasi.

Ugu Dambeyntii Muusa Maxamed Axmed Kali Guddoomiyaha Degmada Cadale ayaa Waxa Uu Xusay In Haddii Uu Cudurku Sidaan  Kusii socdo Ay talo Fara Ka Bixi Doonto Taa Badalkeedna Loo Baahan Yahay In Hadda Sida Ugu dhaqsiyaha Badan looga Hor-tago Cudurkaasi Shuban Biyoodka.

Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Cadale:-