Ciidamada Amaanka Maamulka Gal-mudug Ayaa Magaalada Cabud-Waaq Ee Waqooyiga Gobolka Gal-Gaduud Waxa Ay Ku Qabteen Gawaari Walxaha Qarxa Laga Soo Buushay Sida Ay Sheegeen Mas’uuliyiin Dhinaca Amniga Ah Oo Ka Tirsan Maamulka Gal-mudg.
Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Amniga Maamulka Gal-Mudug Mahad Xasan Max’ed Oo La Hadlay Idaacadda Codka Gobollada Dhexe Ee Cadaado Ayaa Tilmaamay In Gawaaridan Shalay Lagu Qabtay Gudaha Magaalada Cabud-Waaq.
Wasiir Xigeenka Waxa Uu Xusay In Gawaaridan La Qabtay Laga Dhex-Helay Waxyaabaha Qaraxyada Loo Adeegsado Oo Uu Ku Jiro Suunka Dhex-da Lagu Xirto Sida Uu Sheegay Wasiirka Ku Xigeenka Amniga Gal-mudug.
Bartilmaameedka Qaraxyadan Ayuu Wasiirku Sheegay In Ay Tahay Sidii Loogu Dhibaateyn Lahaa Dadka Ku Qayb-galaya Munaasabadaha lagu Xusayo Dhalashada Suubanaheena Muxamed N.N.K.H Balse Ciidamada Ammaanka Ku Guuleysteen In Ay Hor Istaagaan Dhagartii Lala Damacsanaa Bulshada Reer Cabud-Waaq Waa Sida Uu Wasiir Ku Xigeenku Hadalka U Dhigaye.
Dhinaca Kale Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Amniga Gal-mudug Mahad Xasan max’ed Ma Shaacin Goobta Ay ka Yimaadeen Gawaaridan Waxa Uuna Hadalkiisa Kusoo Koobay In Weli Socoto Baaris Arrinkaas Ku Aadan.
Sidoo kale Wasiir Ku Xigeenka Waxa Uu Xusay In hadda Gawaaridii Iyo Wadayaashoodiiba Lagu Hayo Saldhiga Degmada Cabud-Waaq Ee Waqooyiga Gobolka Gal-Gaduud Isla-markaana Ay Weli Socdaan Baaritaano Dheeraad Ah Oo Arrinkaasi Ku Aadan.
Tan Iyo Markii Uu Khilaaf Soo kala Dhex-Galay Madaxda Sare Ee Maamulka Gal-mudug Ayaa Waxaa Muuqato In Xaalado Amni-Darro kasoo Cusboonayaan Deegaano Iyo degmooyin Dhaca Kuwa Maamulka Gal-mudug wallow Ay Xusid Mudan Tahay In Gal-mudug Ka Mid Tahay Meelihii Aadka Loogu Ammaanay Dhinacyada Amniga Iyo Xasiloonida Deeganadeeda.
Hoos Ka Dhageyso Wasiir Ku Xigeenka Amniga Gal-Mudug:-

