Magalada Kismaayo ee xarunta Dowlad goboleedka Jubbaland waxaa maanta kulan ku yeeshay Saraakiil ka socotay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM kuwaas oo Maanta gaarey Magalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.
Kulanka oo ka dhacay Guriga Martida ayaa waxaa ku sugnaa Madaxweyne Ku-Xigeenka Koobaad ee dowlad-goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan Madaxa Ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM ee SoomaaliyaA�iyo Saraakiil kale.
Madaxa Ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya, ayaa waxa uu sheegay in Jubbaland ay guulo waaweyn ka gaartay dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab,waxana saraakiisha AMISOM eek u sugan deegaanada Jubbaland ku amray in ay bilaabaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.
Dhageyso:-Warbixin Axmed Kaabe