Friday, July 3, 2026
HomeWararDibaddaDhageyso:-Amaro lagu soo rogay dadka iska leh hoteelada ku yaala magaalada baladweyne.

Dhageyso:-Amaro lagu soo rogay dadka iska leh hoteelada ku yaala magaalada baladweyne.

 

Maamulka magaalada Baladweyne  ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa xalay kormeeray dadaalo Booliska dowlad Goboleedka Hirshabeelle ku xaqiijinayaan amniga magaaladaasi oo ay mararka qaarkood ka dhacaan falal amni darro.

Ciidamada Booliska ayaa howlgalo lagu xaqiijinayo amniga Baladweyne ka sameeyay Wadooyinka muhiimka ee ku yaalla magaaladaasi, iyaga oo baaritaano kala duwan ku sameeynayay gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee waddooyinka xiligaas isticmaalayay.

Howlgalka  Ciidamada Booliska ayaa intii uu socday waxaa kormeeray Guddomiyaha Degmadda Baladweyne Cumar Calasow, Taliye ku xigeenka qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Kor Muuse Cabdi Xayuuke iyo Taliyaha Saldhigga Booliska Baladweyne  X/Le Axmed Cali Aadan

Saraakiisha Ciidamada Booliska ayaa sheegay in howlgalka u bilaaw u yahay howlgalo is daba joog ah oo lagu xaqijin doonno amniga guud ee degmadda Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha Degmada Beledweyne Cumar Calasow ayaa sheegay in ay doonayan in Beledweyne ay ahaato Magaalo hormarsan, isla markana ay noqoto mid amnigedda lesku haleen karo.

Baladweyne ayaa waxaa weli ka jira khilaafkii ka dhashay xilka qaadistii lagu sameeyay Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, kaasi oo dhawaan la sheegay in loo doortay Madaxweynaha KMG ah ee Hiiraan State.

Hoos ka dhageyso:

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe