Wararka nagasoogaaray Deegaanka Xaawo Cabdi Ee Gobolka Shabeelada Hoose ayaa Waxa ay sheegayaan in raga hubaysan ay Weerar Kuqaadeen Dadshacaba oo Kashaqaynayay Nadaafada Wadada isku xirtay Afgooye iyo Muqdisho.
Dadka Dilka loogaystay ayaa gaaraya 9-ruux oo kamida dadka Kashqaynayay nadaafada Geedaha kuyaala dhinacyada Wadada iskuxirta Muqdisho iyo afgooye.
Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose Maxamed Ibraahim barre ayaa Waxa uu Mas,uuliya Falkaan ku Eedeeyay Al-shabaab.