Xili lafilayo In bisha july ee sanadkan la qabto doorashada madaxtinimad Galmudug ayaa hadana waxaa muuqaan wax dhaq dhaaq ah oo la xariira arimahaasi.
Qilaafka ka dhex taagan Hogaanka galmudug ee kala fadhiya Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ayaa aragtiyo kala duwan ka qaba xiliga ay dhacaydo doorashada Madaxtinimo ee Galmudug.
Garabka Galmudug ee fadhi goodu yahay Magalada Dhuusamareb ayaa horay u sheegay in doorashada Galmudug qabsoomayso sanadka 2021
Balse Dowlada dhexe ayaa dhawaan shaaciday in doorashada Galmudug ay ku dhicidoonto waqtigii horay loogu asteeya oo ah bisha july ee 2019.
Dhinaca kale qaar ka mida Odayaal dhaqameedkii wax kasoo dhisay DGG ayaa sheegay in uu dhamaaday
mudo xileedkii Galmudug loona baahan yahay in loo is taago doorashada Madaxtinimo ee Galmudug.
Suldaan Bayle Cumar Daad oo ka mida Odayaal dhaqameedkii wax kasoo dhisay Maamulka Galmudug ayaa sheegay in go,aan a cad ay ka qaadandoonaa  oo lagu bad baadinayo Galmudug hadii ay san Dowlada Faderalka dar dar galin Doorashada galmudug.
Dhinaca kale Suldaan Bayle ayaa sheegay in Dowlada dhexe looga baahan yahay faragalin ay ku samaydo Galmudug maadama qiliif uu ka dhexe jiro Galmudug.
Qilaafka ba,an ee wali ka dhex aloosan Maamulka Galmudug ayaa ragaadiyay howlihii shaqo ee Galmudug,waxaana muran uu ka taagan yahay waqtiga la qabanayo Doorashada madaxtinimo ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

