Diyaarad siday ku dhawaad 100 Askari ayaa maanta ka degtay Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed sidda ay xaqiijiyeen Xildhibaano ka tirsan dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Diyaaradaan ayaa la sheegay in ay siday Ciidanka sidda gaarka ah u tababaran ee Booliska Soomaaliyeed, ilaa iyo haddana lama Caddeyn sababta loo geeyay magaalada Baydhabo.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada Federaalka ayaa goor dhow warbaahinta u sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay kusoo daabuleyso Ciidan Baydhabo,kuwaasoo la doonaayo in lagu carqaladeeyo doorashadda maamulka Koonfur Galbeed.
Xildhinaanada ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya ku eedeeyay in ay faragalin qaawaan ay ku heyso doorashadda maamulka Koonfur Galbeed.
Dowladda dhexe ayaa horay loogu eedeeyay in ay Baydhabo geysay Ciidan iyo waliba lacag lagu taageerayo Mid ka mid ah Musharaxiinta Xilka Madaxtinimadda ee maamulka Koonfur Galbeed.
Halkaan Ka Dhagayso