Friday, June 19, 2026
HomeWararDibaddaDFS oo sheegtay in dhowaan ay qaadeyso wajiga 2aad ee howlgalka ka...

DFS oo sheegtay in dhowaan ay qaadeyso wajiga 2aad ee howlgalka ka dhanka ah ‘AS’.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay diyaargarowgii ugu dambeysay ka sameysay howlgalka la dagaalanka ‘AS’ wajigiisa labaad si ay u qabsato deegaannada weli ka maqan gacanteeda.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo la kulmay Saraakiil katirsan Ciidanka Dowladda, Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Galmudug iyo Dadka deegaanka la kulmay ayaa kala hadlay diyaargarowga dagaalkaas.

Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa sheegay in diyaargarowgaan uu hordhac u yahay wajiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ oo ka ballaaran qaybtii 1aad waa sida uu hadalka u dhigay.

Deegaannada Dowlad-Goboleedka Galmudug waxaa ka socda abaabul xooggan oo lagu diyaarinayo ciidamada Federaalka, Daraawiishta iyo Dadka Deegaanka si ay duullaan ugu qaadaan Degmooyinka weli ay ku sugan yihiin ‘AS’.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe