Tuesday, October 13, 2026
HomeWararDibaddaDFS oo sheegtay duqeyn ka dhacday Gobolka Galgaduud in lagu dilay xubno...

DFS oo sheegtay duqeyn ka dhacday Gobolka Galgaduud in lagu dilay xubno ka tirsan AS

Warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Howlgal qorsheysan oo ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya saaxiibada hawlgalka Mareekanka ee Africom lagu dilay xubno ka tirsan As.

Howlgalka oo xilli hore oo saakay ah ka dhacay goob 35km Koofur bari uga beegan Magaalada Galcad ee Gobolka Galgaduud, ayaa  lagu dilay 5 xubnood oo ka tirsan As, sida lagu yiri qoraal ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya .

Sidoo kale Warsaxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu siiyiri in howgalka lagu burburiyey goob fariisin u ahaa dagaalamayaal ka tirsan As, iyaga oo ka waday abaabul. Sida lagu sii yiri warka ka soo baxay dowladda.

Warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya saaxiibada Soomaaliya ay wadaan hawgallo ka dhan ah Askuwaas oo ka socda Gobollada dalka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe