Tuesday, May 26, 2026
HomeWararDFS oo shaacisay xilliga Soomaaliya laga dhaafi doono Canshuurta waxyaabaha ay u...

DFS oo shaacisay xilliga Soomaaliya laga dhaafi doono Canshuurta waxyaabaha ay u iibgeyso Dalalka Carabta

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr Cilmi Maxamed Nuur ayaa sheegay inay ololo ugu jiraan inay ku xirnaadaan dunida inteeda kale si uu u kordho dhaqaalaha Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay dooneyso inay ku biirto Suuqa xorta ah ee Carabta, taasina ay dowladda Soomaaliya dadaalkeeda wado si loogu guuleysto oo Soomaaliya ay noqoto mid Ganacsigeeda uu kordho.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr Cilmi Maxamed Nuur ayaa ayaa sidoo kale sheegay in laga bilaabo 1-da Bisha May ee sanadkan Soomaaliya laga dhaafi doono Canshuurta waxyaabaha ay u iibgeyso wadamada Carabta.

 

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe