Friday, July 3, 2026
HomeWararDibaddaDFS oo lagu eedeeyay in ay garab ku siineyso Somaliland duqeynta Laascaanood

DFS oo lagu eedeeyay in ay garab ku siineyso Somaliland duqeynta Laascaanood

Garaad Jaamac Garaad Cali oo kamid ah odayaasha dhaqanka Sool ee dagaalka adag kula jira ciidamada maamulka Somaliland, ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya in ay garab ku siineyso Somaliland duqeymaha ay Laascaanood ka wado.

Xaflad ka dhacday magaalada Nairobi ayuu Garaadka ka sheegay in dowladda Soomaaliya raali ka tahay duqeymaha lagu garaacayo Laascaanood, waxa uuna si gaar ah farta ugu fiiqay madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isul Wasaare Xamse Barre.

“Xukuumadda Soomaaliya ee maanta jirta, afka ka dhowri mayno, waxaan ognahay oo isa soo taraya in iyadu garab ku siinayso maamulka Somaliland duqeynta ay ku wadaan Laascaanood,” ayuu yiri Garaad Jaamac.

Hadalkan kasoo yeeray Garaadka ayaa kusoo aadaya xilli wasiirka arrimaha gudaha maamulka Somaliland dhawwaan shaaciyay in dowladda federaalka Soomaaliya aysan qeyb ka aheyn dadka kula dagaallamaya Laascaanood.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe