Thursday, March 28, 2024
HomeWararBaardheere:- DFS Oo Deeq Ku Wareejisay Dadkii ay Saameysay Fatahaadda Webiga Jubba.

Baardheere:- DFS Oo Deeq Ku Wareejisay Dadkii ay Saameysay Fatahaadda Webiga Jubba.

Qoysaska la gaarsiiyey Raashinkan Gargaarka ah ayaa isugu jirey Beeraley wax soosaarkoodii ku baa ba’ay Fatahaadda Webiga Jubba, iyoQoysas kale oo dan’yar ah kana barakacay Fatahaada webiga ,kuwaasi oo laga soo xuley Xaafahada Magaalada baardheere.

Gargaarkani raashineed ee la siiyey qoysaska ku barakacay daadadka fatahaada webiga magaalada Baardheere  ku dhuftay ayaa loo qeybiyey cunto isugu jirta Bariis,saliid iyo  Sonkor,deeqdani ayaa ahayd Lacag dhowaan ka timid DF oo loogu talagaley in wax loogu qabto Qoysaska Barakacayaasha .

Mas,uuliyiintii ka hadashey qeybinta raashinka gargaarka ah ayaa waxaa ka mid ahaa Cabdulaahi Nuur Xasan oo ah Gudoomiyaha degmada Baardheere,Maxamed C/Raxmaan Matow oo ah Gudoomiyaha Beeraleyda Baardheere iyo Xubno kale dhamaantoodna waxay ku dheeraadeen ahmiyada gargaarka noocani oo kale uu u leeyahay dadka dhibaateysan ee wax yeelada ay ka soo gaartey Fatahaadaha webiga Jubba ee Mar Baardheere.

Ugu Horreyntii Meesha Ka hadlay Guddoomiyaha Degmada Baardheere Ee Gobolka Gedo Cabdullaahi Nuur Xasan Waxa Uuna Dawladda Dhexe Kaga Mahadceliyey Deeqdaan Ay Soo gaarsiisay Dadkii Uu Saameynta Ku Yeeshay Fatahadda Webiga Jubba.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe