Home Warar Deni oo furay kulan looga hadlayo diidmada lacagta Shillin Soomaaliga

Deni oo furay kulan looga hadlayo diidmada lacagta Shillin Soomaaliga

95

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa  Maanta Shir-guddoominayay kulan  gaar ah oo looga hadlayo xal u helida cabashooyinka la xiriira shillin Soomaaliga.

Kulanka oo uu  Madaxweynaha ku weheliyo Madaxweyne  Ku-Xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa ka qeybgalay Madaxweynihii hore Senator Cabdiraxmaan Faroole, Masuuliyiinta Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Ganacsiga iyo Qorsheynta, Bangiga Dowladda, Wasiiradii hore ee Maaliyadda Faarax Cali Shire iyo Cabdullaahi Shiikh.

Sidoo kale waxaa kulanka waxaa ka qeybgalay Khuburo ku xeeldheer arrimaha dhaqaalaha, La taliyeyaal Madaxweyne , Saraakiil Madaxtooyo, Taliska Ciidamada Booliska, Maamulka Gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe iyo qaar ka mid ah madaxda Jaamacadaha Puntland.