Sunday, June 21, 2026
HomeWararGudahaDegmada Ceelwaaq oo Abaar ka jirtay oo Roob ka da’ay

Degmada Ceelwaaq oo Abaar ka jirtay oo Roob ka da’ay

Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo Dowlad-Goboleedka Jubbaland waxaa ka da’ay roob biyo dhigay Waddooyinka qaar ee Degmadaas, waxaa degmadaan saamayn taban ku reebay abaarta ka jirta qaybo kamid ah Dalka.

Qoysas u badan Xoolo dhaqato oo intooda badan horay uga barakacay Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa billaabay in ay dib ugu laabtaan deegaankooda markii haddii uu roob ka curtay sida ay Xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Dhulka oo qalalan, Kulka cadceedda oo aad u daran, Biyo la’aan iyo xoolihii dadka ay dhaqanayeen oo tarab-tarab u dhintay waa sababaha dadkaas ku qasbay in ay isaga barakacaan deegaannadooda inkasta oo hadda Roob uu u da’ay.

Waxaa jira digniinno la gaarsiiyay Dadkaan oo ah in ay ku dedaallaan Caafimaadkooda isla markaana ka fogaadaan wax weliba oo dhibaato ku ah marka la eego isticmaalka biyaha iyo in xoogga la saaro meelaha biyuhu isugu tagaan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe