Wararka naga soo gaaraya Degmadda Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in qarax khasaaro geystay uu goor dhow ka dhacay gudaha degmada Yaaqshiid ee Magaaladda Muqdisho.
Qaraxa ayaa la sheegay nuuciisu inuu ahaa miinada dhulka lagu aaso, waxaana lala eegtay gaari uu la socday guddoomiye waaxeed ka tirsan maamulka degmadaasi, kaas oo lagu magacaabayay Cali Cabdi Geedi Fara Yare.
Goobjoogayaal ah ay xaqiijiyeen in qaraxaasi uu ku dhintay guddoomiye waaxeedkaasi iyo askari la socday, halka mid kalena uu ku dhaawacmay.
Qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka Warshaddii hore ee barafuunka oo ku taalla degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.
Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmadaasi, mana jirto illaa iyo hadda cid sheegatay masuuliyadiisa.
Maalmihii u danbeeyay waxaa magaaladda muqdisho ka dhacay weeraro iyo dilal qorsheysan, waxaana Waddooyinka magaaladda muqdisho lagu gooyay dhagaxaan iyo ciidamo sugga Ammaanka.