War hadda ka soo baxay ayaa sheegaya in uu burburay Mooshinkii ay madaxweynaha ka keeneen qaar ka mid ah Xildhibaanadda Golaha Shacabka maalin ka hor.
Xoghayaha Xafiiska Guddoonka Golaha Shacabka Mudane Cabdikariim Xaaji Cabdi Buux ayaa warqad uu u diray Guddoomiyaha iyo labadiisa Ku Xigeen ku xaqiijiyay in tirada rasmiga ah ee soo gudbisay mooshinka madaxweynaha ay hadda tahay 78 xildhibaan, sidaas darteedna uusan ahayn mid Golaha la horgeyn karo.
Warka ka soo baxay Xafiiska Xoghaya Guud ee Golaha Shacabka Cabdikariim Xaaji Cabdi Buux ayaa sidoo kale lagu sheegay in Hindisihii xil ka qaadista Madaxweyne Farmaajo uusan buuxin shuruudihii looga baahnaa oo aheyn Sedex meelood meel Xildhibaanada, sidaasna ku burburay.
Qoraalka Xoghaya ayaa sidoo kale lagu Xusay in Xildhibaano gaaraya 14 mudne ay soo gudbiyeen dacwad ah in laga been abuurtay oo aysan ka mid aheyn Xildhibaanada mooshinka keenay, taasi oo hoos u dhigtay tiraddii ku saxiixneed mooshinka oo ay aheyd 92 mudane.
#BREAKING: Warqad Qoraal ah oo ka soo baxday Xafiiska Xoghayaha guud ee baarlamaanka Cabdikariim Xaaji Cabdi Buux ayaa lagu sheegay in Hindisihii xil ka qaadista Madaxweynaha, oo ay soo gudbiyeen qaar ka mid ah Xildhibaanadda uusan buuxin shuruudihii looga baahnaa,@HarunMaruf pic.twitter.com/lrc5YsmW03
— The Sudani Post (@TheSudaniPost) December 11, 2018