Saturday, March 22, 2025
HomeWararDegDeg:- Ciidanka Dawladda Oo Qof Shacab ah Ku Dilay Muqdisho.

DegDeg:- Ciidanka Dawladda Oo Qof Shacab ah Ku Dilay Muqdisho.

Wararka naga soo gaaraya isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliya ay halkaasi ku jiireen qof shacab ah oo watay Mooto Bajaaj.

Ciidamada oo watay gaari Cabdi Bile ah ayaa la sheegay in ay isku dayay inay ka cararaan ninka ay jiireen oo la sheegay inuu halkaasi ku dhintay, balse dadkii shacabka ahaa ayaa qayliyay oo istaajiyay gaarigii ay wateen ciidanka.

Gaariga ay wateen ciidamada ayaa wuxuu ahaa nooca Soomaalida u taqaan Cabdi Bilaha, waxaana uu dulmaray ninkan watay Mooto Bajaajta oo ugu dambeyn dhintay.

Maydka marxuumka ayaa halkaasi waxaa looga qaaday gaariga Cabdi bilaha ah, waxaana la sheegay inay u dhaqaaqeen dhanka Isbitaal Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Gaadiidka ciidanka Militariga ay wataan ayaa wadooyinka Magaalada gudaheeda waxa ay ku maraan xawaare dheereeya iyaga oo ka cararaya qarax miino oo ciidamada loo dhigo.

Gaadiidka Cabdi bilayaasha ah ee ciidamada ay saaran yihiin ayaa inta badan marka ay fal tacadi ah u gaystaan shacabka waxa ay isku dayaan inay cararaan, si aanan loola xisaabtamin.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe